Ankara(INO)- Milatariga Dalka Turkiga ayaa safka hore ka soo galay wadamada Dunida ugu awooda badan dhanka qalabka ciidamada gaar ahaan Diyaaradaha dagaalka iyo qalabka kale ee casriga ah .
Wasaarada gaashaanndhiga dalka Turkiga ayaa soo bandhigtay dhoola tus cusub oo ay sameeyeen ciidamada Milatariga dalka Turkiga gaar ahaan kuwa cirka oo kaashanaya Diyaarado casri ah oo u badan Miigag dagaal iyo Helikoptaro cusub .
Turkiga ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawaariiq dagaal oo loogu tala galay in lagu burburiyo Taangiyada iyo Tiknikada dagaalka ee gaashaaman waxaana Sawaariiqdaan cusub loogu magac daray (Umtas Roketsan) . Inta badan dalka Turkiga ayaa hubkiisii hore waxa uu ka iibiyaa wadamada islaamka ah ee soo koraya sida Aserbajan , Qatar , Sudan , Bahrain , Senegal , Al jeeriya , Imaaraatka Carabta , Marooko , Bangaladesh iyo Tuniisiya .
Halkan Ka Daawo Video