Daawo Sawiradda: Urur Goboleedka IGAD Oo Si Rasmi Ah Xafiis Uga Furtay Kismaayo.

0
177

Urur goboleedka  IGAD Ayaa maalintii shalay xafiis si Rasmi ah uga Furtay magaalada Kismaayo Ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba, waxaa xafiis kaasi si rasmi ah ufuray Ergayga gaarka ee Urur goboleedka IGAD uqaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey oo uu la socday hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxaana lagu wadaa in Maagalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose oo ay hada xarun utahay maamulka KMG ah ee Jubba uu ka furmo shir ay kusoo xulanayaan Baarlamaanka maamulka Jubba oo ay hada ka socoto qaban qaabo ku aadan xulista Baarlamaanka Jubba.

 Furitaanka xafiiska IGAD ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xili ay labo bil ama ka yar ay dowlada Kenya ka furatay Qunsuliyad magaaladad Kismaayo.

Daawo sawirada munaasada lagu furayay xafiiska IGAD ee Magaalada Kismaayo

igad1igad4igad2igad3igad

idale News Online.