Habeenimadii xalay munaasabad balaaran oo ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa lagu daah furay Tartanka Heesaha Hir galay koo oo loogu tala galay in ay kusoo baxaan dhalinyaro badan oo fanka aad u jecel. Munaasabada lagu daah furayay Tartanka heesaha hirgalay ee xalay Muqdisho lagu qabtay waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow Wsaiir kuxigeeno iyo Masuuliyiin kale.
Intii ay socotay Munaasabada waxaa halkaasi ka hadlay Abwaaniin iyo Fanaaniin kuwaa oo wax lagu farxo ku tilmaamay dib usoo noolenta Barnaamijka Tartanka heesaha Hirgalay oo dalka lagu qaban mudo kabadan 20-sano.
Tartanka Heesaha Hirgalay dib usoo nooleyntiisa waxaa gacan ka geesatay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya , waxaana la filayaa tartankan inta uu socdo in ay kusoo baxaan dhalinyaro badan oo fanka aad u jecel doonaya in ay noqdaan Fanaaniin.
Idale News Online.