Deeq lacageed oo ay soo direen Gabdhaha Jaaliyadda Dalka Ingriiska ee Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo (Udugow Arlaathii) ayaa waxaa maanta la soo gaarsiiyey Qoyskii iyo eheladii ka geeriyooday Wiilkii yaraa ee Edan Hassan keerow (geesigii Arlaathii) kuna geeriyooday Banaanbaxii 26 Maarso kadhacay magaalada Baydhabo.
Deeqdaan lacageed ayaan ahayn tii ugu horeysey ee la soo gaarsiyo Qoyska wiilka iyadoo kal hore ee jaaliyadda dalka Australia deeq lacageed soo gaarsiyeen qoyskaasi.
Hooyada dhashay marxuum Aden Hassan Keerow ayaa u mahadnaqdey Jaaliyadihii la qeybsaday tiiranyada la soo gudboonaatay iyadoo sidoo kale u mahad celisay Shacabka reer Baydhabo iyo Gabdhahaan Jaaliyadda Manchester soo gaarsiiyey deeqdaan lacageed.
Deeqdaan Jaaliyadda Gabdhaha ee Dalka Ingriiska ayaa waxay u soo wakiisheen soona marsiiyeen Afhayeenka Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya Mudane Fowzi Cabdinur Maxamed, muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa la dareemayey dar dar cusub oo ay ku dheehan tahay.