Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxaa lagu qabtey, tababar si heer sare ah loo soo agaasimey isla markaana, lagu tababaraayey, dhalanyaradda Koonfur Galbeed Soomaaliya sidi ay ugu qiib qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo ka shaqeynta Nabadda.
Waxaana ka Soo qiib galey Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliy,oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta KGS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, Wasiirka Sports-ka iyo dhalanyaradda Mudane C/laahi Cabdi Cumar Fanax ,Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda dib u dajinta iyo Xariirka Jaaliyadaha, Marwo Faadumo Cumar iyo wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta bulshadda Ugaas Xasan Caddi Maxamed iyagoona si wadajir ah u sheegeen ahmiyada Ay leedahay Nabadda.
Tababarkan ayaa waxay soo Diyaarisey hay’ada INTERPEACE Ee Xafiiskeeda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, isla markaana tababarkan bixinayey, Khubaro ku xeel dheer, khalinta Khilaafadka , geeda socodka nabada iyo wacyigalinta bulshada Soomaaliya
Bashiir Aamiin Aadan, Gudoomiyaha Hay’ada INTERPEACE ee Xafiiskeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhiiragaley dhalanyaradii ka soo qiibgashey tababarka inay u kacaan Raadinta Nabadda iyo dib u dhiska Dalka, isagoona Carabka u adkeeyey in dhalanyaradu ay yihiin lafbarta bulsho kasta.
Ka Qiib galiyaasha tababarka ayaa soo bandhigey fikarado ka duwan qaabka Dhalanyarada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ay u qiib qaadan karaan Barnaamijkaasi.
Sidoo kale Ka Qiib galiyaaasha Ayaa loo qiibiyey kooxo isla markaana waxaa loo direy cinwaano kala gedisan oo ay ku falanqeenayeen Barnaamijkaasi, iyagoona Maskaxdoodu ka soo maaxday fikrado cusub oo taabigal u noqon karo loogana abuuri karo hanaan cusub oo dhalanyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ay u qiib qaadan lahaayeen dib u dhiska KG Soomaaliya iyo Ka Shaqeynta nabadda.
Ugu dambeyntii, Ma Ahan markii ugu horeysey ee Hay’ada INTERPEAPE tababaro noocan camal ah ay bixiso,iyadoona wacyigalin toos ah ka wado degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Guud ahaan Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo.
Wariye Cali Ilyaas Cabdillah, Idale News Online, Xfiiks Baydhabo