Baydhbao(INO)- Waxaa markii ugu horeysay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay laga hergaliyo Radio Dowlada si gaar ah ay u leedahay oo laga furo magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Idaacadaan ayaa maalmahan si tijaabo ah hawada ugu jirtay Isla markaana wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Muddo hal sano ah waxay waday sidii loo hergalin lahaa Idaacaddan hostagta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhaqaalaha ku baxay Raadiyahan waxaa bixiyey dowladda Talyananiga, iyo Bulshada Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waana mid awood u leh in laga dhegaysan karo Mowjadaha gaa-gaaban iyo weliba 88.8MHZ oo FM ah.
Munaasabad kooban oo lagu furey idaacada ayaa ka dhacday xarunta cusub ee idaacada ee Bay Project Ee bariga Magaalada Baydhabo,waxaana ka soo qeybgalay madaxweyanaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheeekh Sheekh Aaden ,xubno ka tirsan gollahiisa wasiiarada iyo AMISOM.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Dowlada KGS ay yeelato markii ugu horeysay idaacad ka shaqeysa danaha Koonfur Gabeed Soomaaliya, dhawaana KGS TV uu hawada soo galidoona,shaqadiisana ay gabagabo mareyso.
Waxa uu Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden sidoo kale goobta ka sheegay in ay muddo ku taamayeen hergelinta Idaacad iyo TV u gaar ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiradda Daahfurka Idaacadda Codka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Isha Sawiradda: Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee KGS
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo