Daawo sawiradda :Madaxweynaha Puntland Gaas Dhaqan yaab leh Mujiyey,100 Neef Hadiyad Loo Siyey.

0
202

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo wali sii wada socdaalka uu Gobalka Mudug ku marayo ayaa maanta gaaray deegaanka Balli-busle oo hoos tagta degmada Jariiban.

Shacabka Deegaankaasi oo isku duuban ayaa madaxwaynaha iyo waftigii la socday u diyaarshay soo dhawayn ka duwan kuwii horay loogu soo sameeyay,waxayna u diyaariyeen Bilado iyo koob lagu abaal marinayo iyo dharka hidaha iyo dhaqanka aan u lee nahay.

Waxa uu gudoomay madaxwayne Dr.Gaas tiro arri ah (boqol neef oo ari ) oo ay ugu talo galeen shacabka Bulli-busle oo sheegay inay u garteen madaxwaynaha Puntland. Bulshada deegaanka Balli-busle ayaa Masuuliyiinta Dawladda usoo gudbiyay baahiyaha kala duwan ee deegaanka ka jira, wxayna ka codsadeen in lagu taageero wixii awood ah,

waxaana Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo masuuliyiinta kale ee la socdayba ay ballan qaadeen inay taakulayn doonaan cid kasta oo horu mar ku tallaabsanaysa. Kulanka ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo bulshada deegaanka Balli-busle waxa ay sidoo kale shahaadooyin iyo qalab kala duwan lagu gudoonsiiyay arday baratay xirfado ay ku shaqo gali karan oo ay ka mid tahay korontada iyo arsamooyin kale, waxaana mudo 6-bilood ah baraysay hay’adda DAI oo ka shaqaysa Puntland.

180 188 236 330821 921 1121 1215 1315Idale News Online.