Baydhabo(INO)-Jaamacadda Jubbadda Sare Oo Ka Mid Ah Jaamacadaha ka Jira Magaalada Baydhabo isla markaana Sanadkii Hore Lagu furey Magaaladaasi Ayaa Wada Dardar galinta Howlaha Jaamacada iyo Wacigalinta Qiibaha Kala Gedisan Ee Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Macalimiinta Wax Ka Dhiga Jaamacadda Jubbadda Sare Ayaa U Soo Gebagabeeyey 70 ardey Oo dhameeysatey Dugsiyada sare Ee Baydhabo Isla Markaana aan helin fursad shaqo ayaa waxay Jaamacada jubbada sare ay siisay tababaro ku saabsan Aqoon kororsi iyo sidii loo abuuran lahaa shaqo.
Tababarkan Oo Ay bixinayeen maclimiinta jaamacada Jubbada Sare Oo si mutadawacnimo ah isla markaanaka Qabanqaabyada howsha siminaarada joogtada ah waxaana Soo abaabuley Madaxa Xafiiska Maamulka Jaamacada Jubbada sare Prof. Idriss Cabdi dhaqtar .
Sidoo kale Proff. Idiris Cabdi Axmed Dhaqtar, ayaa Sheeg in jaamacadda Jubada Sare ay Bixiso Afar kuliyadood oo kala Ah kuliyada Xananada Xoolaha, Beeraha, Caafimaadka Dadka iyo Weliba kuliyada Waxbarashada Macalimiinta.
Dhanka kale Sacdiyo Xasan Samaan Oo Ka Mid Ahayd Ardeydii Ka Faa’ideysatey tababarka ayaa ugu mahad celisey macalimiintii waqtiga badan galiyey waxay tiri” Waxaa maanta Inoo Soo Gebo gaboowey Courese-kii Inoo Soconey mudo 15 casho ah oo inooga socodey Gudaha jaamacadda Jubadda sare Ee Magaalada Baydhabo Oo ah jaamacad Dhawaan Laga Hergaliyey Baydhabo, Waxa Aynu Baraney wax yaabo u Muhiim ah hadii aynu nahay ardeyda , waxaan ka mid ah: Xirfadaha Shaqo, Shaybaarka, Nafaqeyta, Sameynta Jaamka” ayey tiri Sacdiyo Xasan Samaan.
Sidioo Kale Ardayad Kale Oo ayaduna halkaasi ha hadashey isla Markaana ku dheeratey wax yaabihii la barey waxay tiri” Horta Masha Allaha , Sida Aad Arkeysid, waxa aynu baraney, waxa ka mid ahaa Maareynta Xirfahada Shaqo, Maareynta Waqtiga Waareega, Sida Loo diyaariyo Arjiyo, Nafaqeyta, Labka iyo Wax Yaabo kale Oo aad muhiim u Ah oo Aan Halkan Ku Soo koobi Karin”.
Si Kastaba Ha Ahatee, Xiritaanka Simanaar ayaa waxaa soo gbagabeeyey Isla markaana ka Hadley Dr.Fowz Abdi Nor oo ah Afhayeenka Aqoonyahanada Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona gudoonsiiyey ardaydii ku guuleysatey Waxbarashada Aqoon korarsiga Shahaadooyin arday ay ku raadsan karaan Shaqo , ayna u noqan karto Qibrad.
Ugu Dambeyntii, Magaalada Baydhabo Waxa ka jira 4 Jaamacadood oo Ka Sameeyey Aqoon yahno Ka Soo Jeeda Degaanada KG Soomaaliya kuwaasoo aad moodid in ay bilaabeen tartan ay soo jiidanayaan ardeyda dhigata dugsiyada sare magaaladaasi, kuwaasoo, Waxbarasho u doonta Qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya iyo weliba Qurbaha.
Halkan Ka Daawo Sawiradda Ardeydii Ka Qiib Gashey Siminaarka.