Daawo Sawiradda: Godoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md Muungaab oo booqaday Xarumo kuyaala Dalka Turkiga.

0
216

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayaa booqday xarumo  kala duwan sidoo kale lakulmay Masuuliyiin katirsan Dowlada Turkiga.

Jen, Muungaab iyo xubnaha Maamulkiisa katirsan ee safarka ku wehliya ayaa la kulmay Masuuliyiin katirsan Dowlada Hoose ee Magaalada Istanbuul , waxa ayna kawada hadleen labada dhinac xariirka labada magaalo iyo sidii loo mataaneen lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale booqday Xarumo ay Dowlada Hoose leedahay oo kuyaala Magaalada Istanbuul , waxa uu sidoo kale kormeer ku tagay Xarumo kambaniyo ka shaqeeya nadaafada  iyo dib u warshadeynta qashinka.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dalka Turkiga u jooga  xoojinta cilaaqaadka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowlad hooseedyo ee Muqdisho iyo istanbuul, Muungaab ayaana inta uu Turkiga joogo lafilayaa in uu lakulmo Masuuliyiin dalkaasi katirsan.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

muunn 1muunn 2muunn 3muunn 4muunn 5muunn 6

 Idale News Online, Istanbuul, Turkiye.