Daawo Sawiradda: Duqa Muqdisho oo sheegay in ay sii xoojinayaan Mashruucii Mataaneynta Istanbul iyo Muqdisho.

0
194

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo shalay safar ugu ambabaxay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga ayaa sheegay in uu xoogga saari doono Mashruucii Mataaneynta Magaalooyinka Istanbul iyo Muqdisho.

Heshiiska Mashruucaan ayaa waxaa horay  u galay Maamulkii Gobolka Banaadir ee ka horeeyay midka haatan Muungaab isagoo ka sii dhiran dhirinayo Maamulka Cusub heshiiskaasi halkiisii.

Godoomiye  Muungaab ayaa sheegay In ay la tageen Istanbul qorsho Mashruucaasi ah oo dhameystiran kadib  markii Casuumaad uu ka helay dhigiisa Istanbul.

Dowladda Turkey-ga ayaa Mashaariic kala duwan ka hirgalisay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kuwaas oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku tilmaamay mid aysan ilaawi doonin Shacabka Soomaaliyeed.

3 1 2

Idale News Online, Istanbul, Turkiye.