Daawo Sawiradda: Beelihii ku Dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose Oo Hishiis Hordhac Ah Wada Gaaray

0
224

Afgooye(INO)-Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha hoose, Ayaa Sheegaan in Beelahii Ku Dagaalamey Qiibo Ka Mid Ah Gobolka Shabellaha  Hoose Ay Gaareen Heshiis Hordhac Ah.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Gobolka Shabellaha Hoose Gaar ahaan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose uu ka soconayay kulan lagu hisheesiinyo beeliha dagaalada ku soo laa laabtay Ee ka dhaca Gobolka Shabellaha Hoose.

Shirka ayaa Maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose  kaasi oo laga soo saaray war murtiyeed ku aadan wixii lagu hisheeyay.

Mudane C/qaadir Nuur caraale oo ah Wasiirka Wasaaradda dib U hishiisiinta Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa u sheegay Warbaahinta Isagoo Ku Sugan Degmada Afgooye in shirka ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah beelihii halkaasi ku dagaalamay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Maamulkiisu uu ku guuleeystay xalinta dagaalo soo laab laabtay uu ka dhacayay Gobolka Shabellaha Hoose, Isla Markaana Ay sii Wadayaan Geeda Socodka Nabad Raadinta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in aanay dib usoo laaban dagaaladaasi dhexmarayay beelaha walaalaha ah ee Wada Dega Gobolka Shabellaha Hoose ku dhexmarayay.

Sidoo Kale Wasiirku Waxaa uu sheegay in beelaha ay wada saxiixeen hishiiskaan oo ah mid xabad joojin ah oo lagu soo idleeyay dagaaladii Gobolka Shabellaha hoose.

Ugu Dambeyntii Waa guul iyo arin wanaagsan hadii ay dhaqan gasho hishiiskaan maanta ay Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya ay ku kala dhex dhigeen Beelahii ku dagaalamayay  Gobolka Shabellaha Hoose.

i

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here