Aroos si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa tuulo yar oo ku taalo dalka India loogu sameeyay Ganga iyo Prakash oo ah Sac iyo Dibi, Arooskaan ayaa waxa ku baxay qarash ka badan £10,000 iyadoo arooska loo sameeyo dadka bini’aadamka ah aan lagu bixin qarashkaan oo kale marka la qiimeeyo isku celcelis ahaan.
Dibigaan iyo Saca ayaa si aad ah loo soo sharaxay looguna soo lebisay dhar aad u qiimo badan waxaana loo sameeyay nikaaxa ay aaminsan yihiin Hinduga ee Hindiya waxaana iskugu soo baxay dad aad u farabadan caadi ahaanna waxaa loo sameeyay sida caadiga ahaa ee loo sameyn jiray aroosmanka ruuxa bini’aadanka ah.
Hindiya ayaa ah dad aad u badan iyadoo dadka ku nool ay diiman badan kala aaminsan yihiin, waxaana caadi ah in qaar ay caabudaan lo’da.
Idale News Online, New Dalhi.