Boqolaal arday Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka Sweden, ayaa Sanadkaan ka qalin jabisay Dugsiyada Sare ee Dalkaas.
Ardaydan ayaa guulo fiican ka soo hooyey halgankii ay u galeen xili dugsiyeedkooda, taas oo aakhirkii keentay in ay 4-tii bishan June in ay koofiyadaha tuureen, waxaana taasi ay farxad gaar ah ku beertay waalidiintii dhalay caruurtan iyo dhamaan Ummada soomaaliyeed ee ku nool wadanka Sweden gaar ahaan Magaalada Stockholm.
Ka dib xafladii dugsigooda loogu sameeyey ayaa waxaa la isugu yimid fagaare weyn halkaas oo ardaydan soomaaliyeed lagu gudoonsiiyey abaal marino qaali ah,kuwaasi oo ay ugu talo galeen waalidiinta, walaalaha iyo asxaabta gaarka ah, waxaana dhamaan wijiyada dadkii halkaasi goob jooga ka ahaa ka muuqday farxad iyo reyn reyn aad u balaaran.