Maanta oo ah Ciidul Adxa ayaa waxaa si weyn looga ciiday Magaalada Baydhaba Janaay iyo Magaalooyinka kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magaalada Baydhaba ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dadka si isku mid ah ugu ciideen, waxaa ay dadka aroortii hore ee saaka u dareereen Barxada weyn ee Dr. Ayub Stadium, oo ay ku oogeen Salaadda Ciida.
Waddooyinka ayaa lagu arkayay carruur labisan oo ku ciyaaraya Bastooladaha iyo alaabaha kale, waxaana carruurta wajiyadooda laga dheehan karay farxad.
Ammaanka Magaalada Baydhaba ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay.
Dhinaca kale Magaalooyinka kale ee Koonfur Galbeed sida, Kismaayo, Xudur, Garbahaarey, Bu’aale iyo Marka ayaa iyana si weyn looga ciiday.