Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqday xarumaha Wasaaraddaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka iyo Wasaaradda Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradahaasi, isaga oo ka dhegeystay waxqbadkooda mudada sanadka aheyd ee ay Wasaaradahani shaqeynayeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Kheyraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo agaasiyemaasha wasaaraddahan, waxayna igu horeyntii booqdeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaana Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyey, waxaana xilligaasi ka soconeysay halkaasi howlo ku aadan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku ammaanay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge is bedelka iyo horumarinta ballaaran ee uu ka sameeyey mudada sanadka aheyd ee ay Xukuumadani jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta Qaranka oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka dawladdu sameyneyso.
“Waxaan ku ammaanayaa Wasiirka Warfaafinta talaabooyinkii ay qaaday Wasaaradiisa ee dib loogu howlgelinayay hay’addaha dawladda, sida Boostadii dalka, Soomaali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay waxqabadka mudada sanadka ah ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.