Baydhabo(INO)- Wefdi Ballaran Oo Uu Hogaaminayo Wakiilka Cusub Ee Qarada Midoobey Ee Soomaaliya Mr. Machael Keating ayaa Goordhow soo Gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Wefdi, waxaa Xarunta Madaxtooyadaka Ku Soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan , Qaar ka mid ah Gollahiisa Wasiiradda iyo Xildhibaano.
Kullan ka Xasaasi ah Ayaa hada ka socoda Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo looga hadlaayo Aminga,Arimaha Doorashada Somaaliya, Qiibsaiga Xubanaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya i taasoo Sida loo qiibiyey ay ka soo horjeedo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Erigiga QM Ee Soomaaliya, ayaa waxa uu la kulmaya Odayaasha Dhaqanaka Iyo Wakiilo Ka Socoda Ururka Dallada Bulshada Rayidka ( SOSWENSA)Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo laga dhageysan Doono Arigtidooda Ku aadaan Doorashda Sanadkan 2016.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo