Wafdigii ka socday dowlada Somalia iyo saraakiil ka tirsan AMISON ee gaarey maanta Magaalada Caasimada u ah Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa kulamo la qaatey masuuliyiinta gacanta ku haaya maamulka degmada Kismaayo. Wafdiga dowlada Somalia oo uu horkacaayo Ku simaha Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Mudane Xuseen Carab Ciise ayna wehliyaan Saraakiil Sare sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqashada ay halkaas ku tageen aheyd u kuurgalida xaalada nabadgelyo ee gobolka ka jirta iyo dhiirigelinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan jubooyinka iyo sidii ay door weyn ugu qaadan lahaayeen dagaalada lagula jira xoogaga al shabaab iyo dhameystirka meelaha ee ay weli gacanka ku hayaan ururkaas gaar ahaan gobolada jubbada hoose iyo Jubada dhexe.
Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com