Daawo Sawirada: Godoomiye Prof. Jawaarey oo Kulan La Qaatey Maamulka Lixda Gobol Ee KG Soomaaliya.

0
198

Magaalada Baydhabo Ee xarunta Gobolka Bay Waxaa Kulan ku yeeshey Maamulka Lixda gobol Ee KoonfurGalbeed Soomaaliya & ku  simaha madaxweynaha isla markaana ah gudoomiyaha Baarlamaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,

Kulankan oo ay ku wehliyeen  Madoobe Noonoow Maxmed & Gaar ka mid ha xubnaha golihiisa wasaarada ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen aragtiyaha ay ka kala qabaan xal u helista ismaandhaafka Dowlada Fedraalka iyo tan KoonfurGalbeed ee ku aadan maamulka KoonfurGalbeed.

Wararka ay heshey shabakada Warbaahinrta  Idale News Online  ayaa tibaaxaya in kulanka wafdigii dowlada fedraalka ee uu hogaaminayay Prof. Jawaari ay kusoo bandhigeen fikirkooda oo ahaa in hada la dhiso maamul goboleed ka kooban sedex Gobol(Shabeelaha hoose,Bay iyo Bakool) laba sano oo ku meel gaar ah ka dibna la dhiso maamul ka kooban lix gobol taasi oo Mas’uuliyiinta maadoobe Nuunow  ay ka biya diideen iyagoo weliba ay Jawaari weydiiyeen su’aalo badan oo ku qotomay Cida diidan maamulka lixda Gobol Ee  KoonfurGalbeed iyo waxa hada ay Dowlada Fedraalku uga maagayso maamulkan dhisan ee loo dhan yahay.

Ha yeeshee wafdigii prof. Jawaari ayaa waxaa aad ugu adkaaday inay ka jawaabaan su’aalaha iyadoo ugu danbayna mas’uuliyiinta lixda Gobol Ee KoonfurGalbeed ay u sheegeen prof. Jawaari inay diyaar u yihiin inay cidkasta oo maamulka ku haysata oo deegaan ah ay la fadhiisan doonaan kulana hadli doonaan meelkasta iyo waqti kasta iyadoo aan weliba jirin shuruud ay ku xirayaan.

Ugu dambeytii Dood dheer kadib labada dhinac waxay isla garteen in kulan kale ay dib isugu soo laabtaan maalin-nimada beri ah ka dibna Saxaafada ay usoo bandhigaan go’aamada ay labada dhinac isla gaaraan.

Idale  News Online, Xafiiska Baydhabo Janaay.