Daawo Sawirada Gabdhihii Ciraaq oo hubka qaatay si ay u dagaal galaan.

0
189

Dalka Ciraaq ayaa galay xaalad dagaal kadib markii kooxaha islaamiyiinta Suniga u badan ay la wareegeen Magaalooyin iyo Deegaano muhiim ah ay horey gacanta ugu hayeen Ciidamada Dowlada Ciraaq.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa kusii fudaya magaalooyin hor leh oo kuyaala Dalka Ciraaq, waxa ayna hada qorsheenayaan in ay weeraraan Magaalooyin hor leh ay ku xoogan yiiin dadka Shiicada si ay halkaas ula wareegaan.

Kumanaan Dhalinyaro ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa hubka loo qeybiyay si ay ugu diyaar garoobaan dagaal ay la galaan Xoogaga Islaamiyiinta ee ISIS kuwaa oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Magaalada Baqdaad iyo magaalooyin kale oo kuyaala Ciraaq.

Dhalinyarada hubka qaadatay ayaa u badan kuwa Shiico ah kuwaa oo Ciidamada Dowlada Ciraaq ku gacansiinaya Dagaalka kasoo cusboonaaday dalkaasi , waxaana xeryaha Ciidamada Ciraaq iyo Garoomo tababar deg deg ah lagu siinayaa dhalinyarada hubka qaatay ee dagaalka kala hortagaya Xoogaga Islaamiyiinta ah.

Xoogaga Islaamiyiinta ee la magac baxay Dowlada Ciraaq iyo Siiriya ayaa gacanta ku dhigay Magaalooyin waa weyn , waxa ayna laayeen askar badan oo katirsan Ciidanka Ciraaq oo Shiico u badan iyo dhalinyaro kale ay gacanta ku dhigeen.

Dowlada Iiraan oo iyadu shiico dadkoodu u badan yihiin ayaa shaacisay in ay gacan siineyso Dowlada Ciraaq si looga hortago in Kooxaha Islaamiyiinta ah ay la wareegaan Magaalada Baqdaad iyo magaalooyin kale ay ku noolyihiin dadka Shiicada ah ayna ku yaalaan goobo ay barakeestaan dadka Shiicada ah.

shii 1shii 2shii 3shii 4shii 5shii 6shii 7shii 8

 Idale News Online,