Baydhabo(INO)- C/fataax Mahad C/raxamaan waxaa uu ka mid yahay dhalanyaradda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo inta badan u taagan Wacyi-galinta Bulsahda, tusida Dhalinta gobolkada Bay Hanaanka Suuban iyo isdhexgalka Bulsashadda.
Aqristiyaasha Ku Xirey Idalenews.com waxaa idin soo gudbineynaa Rug cadayaasha Gobalka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo. waxaa ku bilaabeynaa Mr. C/fataax Mahad C/raxmaan oo ah Wiil dhalanyaro ah oo isla markaana Shaleyto Gudiga Isboortiska Gobolka Bay ay Gudoosiyeen Bilad Sharaf sare.
Waxaana loo aqoonsadey halyay dhanka isboortiska Gobalka Bay una qabtay waxbadan oo muuqda haday ahaan lahayd koobab uu u dhigay Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, wacyigalin, Bilado iyo shaahaado sharafyo uu gadoonsiyay madaxda isboortiska gobalka Bay.
waxaa Sido kale lagu C/fataax Mahad C/raxmaan lagu xasuustaa Nadigii Horyaalka intii mudada ahaa Magaalada Baydhabo ugu adkaa oo uu asaga maalgalinayay.
waxaa kaloo maanta ay naadiyasha Degmada Baydhabo ay ku xasuusan karaan finaanadihii Adidaska ahaa ee uu siiyay 12kii naadi ee horyalka 1aad.
Mr. C/fataax Mahad C/raxmaan waxaa Maanta la gadoonsiyay bilad sharaf dadka hortooda asagoo ay u garteen gudiga iyo waxgaradka isbortiska ayadoo dadwaynihii dawanayay ay aad u riyaqeen shegeena in uu mudanyahay.
Ugu dambeyntii, Maamulka Baidoa Premier Leage iyo dhalinta isboortiska Baydhabo waxay Hambalyo Gooni ah Hawada u mariyeen Mr. C/fataax Mahad C/raxmaan.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Baydhabo