Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay waxa uu casho sharaf ugu sameeyey Magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibada ee ku jira Urur Gobolleedka IGAD.
Casho sharafta kadib ayaa waxa khudbad halkaasi ka jeediyey Madaxweyne Xasan isagoo amaanay sida ay uga aqbaleen wasiirada inay yimaadaan Muqdisho iyo kasoo qeyb galka casho sharaftii uu usameeyey.
Madaxweynaha waxa uu sheegay inay Shirka IGAD noqon doono mid wadada usii xaara dib usoo celinta Nabad gelyadii lagu yaqaanay Soomaaliya,28 sano kadibna ay farxad tahay in IGAD kulan ku yeelato Muqdisho.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA QAABKII WASIIRADA IGAD CASHO SHARAFTA LOOGU SAMEEYEY
Xafiiska Wararka Idale News Online, Muqdisho.