Daawo Sawirada: Booliiska oo ka hadlay Sarkaalka Puntland ka tirsan ee qaraxa lagu dilay

0
297
Galkacyo(INO)-Saraakiisha Booliiska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay qarax lagu dilay talyihii ilaanta ilaalinta cashuuraha iyo kastamada Gobolka Mudug Marxuun Dur’aan Cumar Geele (Qaylo).

Taliye ku xigeenka Qeybta Bileyska Ahna taliyaha Birmadka Gobolka mudug Cabdirishiid (gibigibi) ayaa Saxaafadda u sheegay in Sarkaalka uu ku geeriyooday qarax baabuurkiisa lagu xiray.
Wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska ay wadaan baaritaan, balse uu cad yahay qaraxa inuu ahaa mid lagu hoos xiray kursiga darawalka, sidaasina uu taliyaha ku geeriyooday.
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa maanta lagu dilay Sarkaalkaasika tirsan ciidamada Puntland.
 Img DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg Description
Idale News Online, Galkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here