Daawo Sawirada: Al shabaab oo laga Xureyey Degaanka Yontooy Ee Gobolka Jubada Hoose& Waxgaradka Beesha Hubeer Oo Soo Dhaweyey Qabsashada Degaankaasi

0
276

Ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa maamulka Jubba oo saaka ka dhaqaaqay magaalada Kismaayo ayaa la wareegay degaanka Yontooy ee gobolka Jubada hoose.

Yontooy ayaa qiyaastii 30-km waxay woqooyi kaga toosan tahay magaalada Kismaayo, waxaana isaga baxay xoogagii Al-shabaab wax yar ka hor inta aysan gaarin ciidamada huwanta.

Qabsashada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Yoontooy ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen Al-shabaab magaalada dekedda leh ee Baraawe, halkaasoo saldhig weyn u ahayd Al-shabaab.

Sidoo kale ciidamada huwanta oo wata taangiyo iyo gaadiidka qafilan ayaa sii maray degaanka Yoontooy oo horey ay u maamuleysay Al-shabaab, lamana soo sheegin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen illaa hadda.

Xoogagii Al-shabaab ee ka baxay  Degaanka Yoontooy ayaa la soo sheegayaa iney u dhaqaaqeen dhinaca degmada Jamaame halkaa oo ay isku aruursanayaan.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo la socda ciidamada duulaanka qaaday ayaa sheegay in qorshohoodu yahay in isla maantaba ay gaaraan degaano kaa tirsan Gobolka Jubada dhexe oo Al-shabaab ay maamusho, wuxuuna xusay iney isku furayaan Kismaayo iyo Baraawe.
1raskambIdale News, Online, Yontooy