Soul(INO)-Mark Lippert, safirka Mareykanka u fadhiga dalka South Korea ayaa xalay sakiin lagu weeraray, xilli uu ku sugnaa goob lagu casuumay oo uu khudbad ka jeedin lahaa magaalada Seoul ee caasimadda S/Korea.
Sakiinta ayaa looga qalay wajiga iyo gacmaha, waxaana dhakhaatiirtu ku macneeyeen dhaawiciisa mid cali ah, balse aanu noloshiisha khatar ku jirin.
Nin 55-jir ayaa falkan loo qabtay kaas oo isna ku sugnaa isla goobta shirka, waxaana uu mar qura ka istaagay kursigiisa, isagoona sakiinta la dul tagay safiirka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka taleefanka kula xiriiray safiirka iyo xaaskiisa, waxaana uu ka tacsiyeeyay dhacdadan oo uu sidoo kale cambaareeyay.
Ninka falkan ka dambeeyay ayay wararku sheegayaan in uu ka tirsan tahay xisbi waddani ah oo kasoo horjeeda joogista ciidamada Mareykanka ee South Korea iyo siyaasaddooda.
Idale News Online, Soul, Skoria.