Muqdisho(INO)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa saaka booqday Isbitaal Digfeer oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii 20-kii bisha ay kooxda arxan laawayaasha ee Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Central.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Digfeer, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona markale u tacsiyeeyey Qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen.
Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa ugu mahadceliyey dowladda Turkiga sida ay umadda Soomaaliyeed ugu hagar baxday una dhistay Isbitaal noocaan ah oo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaadka, wuxuuna xusay Ra’iisal Wasaaruhu inay qorshaha ugu jirto sidii labada maalmood ee soo socota loogu qaadi lahaa isbitaal dibadda ah dhaawacyada culus.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Saxaafadda la hadlay booqashada ka dib, ayaa yiri “Ra’iisal Wasaaraha ayaa saaka booqasho ugu yimid dadkii 20-kii bisha ku waxyeeloobay weerarkii waxashnimada ahaa ee dhagar-qabayaashu ku qaadeen Hotel Central, xaaladooda caafimaadna waa wanaagsanayd, inkasta oo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahadcelinaynaa maamulka Isbitaalka Digfeer dadaalka ay galiyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada”.
Idale News Online, Muqdisho