MN(INO)-Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed RW, Hore ee Soomaaliya ayaa Magaaladda Minneapolis ee Dalka Mareykanka ku soo bandhigay qorshe soo jiitey in badan oo qurbo-joog Soomaaliyeed ah.
Qorshahaasi ayuu sheegay inuu suurtogalin karo in dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadiisa ku dhaqan ay ka qayb qaadan karaan, amaba dooran karaan masuuliyiin lagu kalsoonaan karo isla markaasna ay la xisaabtami karaan.
Dhanka kalena nidaamkaan cusub ee doorasho ayuu ku tilmaamey in looga maarmi karo Aragtida kale ee Federal Dowlada Soomaaliya hadda maleegayso sida; xil u kordhinta gollayaasha dalka, Doorka ama awoodda hogaamiye goboleedyada dalka ka Jira iyo midka oday-dhaqaameed ku leeyihiin dhismaha dowlada ama xuliska Barlamaanka Dalka Soomaaliya.
Waxa uu carabka ku dhuftay Dr.Cabdiweli Sheekh Axmed in dalka waxyaabaha uu ubur buray ka mid tahayiin khilaaf, dano shaqsiyadeed iyo sidoo kale in danta gaarka ah la hormarinayo bedalkii danta guud loo kici lahaa sidii loo hormarin laha.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, MN