Daawo Roobab Mahiigaan ah oo duufaano wata oo gooyey buundo u dhaxeys Garoowe iyo Sunajiif ee Maamulka Puntland

0
302


Wararka naga soo gaaraya deeganaada dhaca xeebaha maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay ku dhowaan 200 qofood degmooyin iyo tuulooyin hoostaga gobolada Karkaar, Nugaal iyo Gardafuu, ka dib markii ay ku dhufatay duufaano ay la socdaan roobab mahiigaan ah.

roobabMasiigaan

Tuulooyinka Dhalinbaar,Dur-dura, sanujiif, iyo kuwa kale oo ka mid ah degmada Benderbayla ayaan laga war hayn dadka ku nool,kadib markii ay isgaarsiinta ay ka go’aday degmadaasi.
Duufaantaan roobabka daran wadata ayaa 3 cisho oo xiriir ah ka da’aayey deegaano ka tirsan Puntland kuwaasoo la sheegaayo in xitaa ay la tageen buundo baabuurta mari jireen oo isku xiri jirtay magaalada Garoowe iyo degmo lagu magacaabo Sanujif.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Faroole ayaa la kulmay ku dhawaad 30 hay’adood oo samafal ah, isla markaana ka howl gala Puntland, waxa uuna kala hadlay sidii loo caawin lahaa ama gurmad loogu fidin lahaa dadkii ku waxyeeloobay duufaanta.

Faroole ayaa sidoo kale magacaabay gudi loogu magic daray gudiga badbaadinta iyo xaaladda deg-deg ah si ay u samatabixiyaan dadka ay duufaanta ku dhufutay

Waxa uu sheegay in ay gaarsiin doonaan dadka ku waxyeeloobay duufaanta daawoooyin iyo raashiin,waxa uuna ganacsatada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gar-gaarkaasi.

Idale News Online, Puntland