Daawo: Odayaasha dhaqanka Digil & Mirifle oo ka xumaadey hadalkii Maamulka Gobolka Hiiraan ee ahaa in 48 saac gudahood isaga baxaan dadka ….

0
197

Afhayeenka Malaaqyada Digil & Mirifle Maxamed Yacquub Deeroow oo ku tilmaamey hadal ka soo yeeray maamulka gobolka Hiiraan ee ku aadaanaa in dadka u dhashey gobolada Koonfureed ee Somalia in ay muddo 48 saacadood gudahood taasoo malaaqu ku tilmaamey arrin aad looga xumaado oo lagu bartilmaameedsanaayo dadka ka soo jeedo goboladooda.

Malaaq Deeroow ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda gobolada Koonfuureed Soomaaliya aysan aheyn dad ku nool dalka South Afrika sidaasi darteedna aan loo dulqaadan karin in dalkooda gudahiisa waqti loogu qabto. Malaaqa ayaa tilmaamey in dadka Digil & Mirifle ay aad ugu xun yihiin weerarkii argagixiso ee dadka gobolkaas degan loo geystay, waxaana uu sheegay in qaraxaasi ay sheegtee xarakada Alshabaab, sidaasi darteed ma jirto sabab dadka ka soo jeeda goboladda Koonfureed loogu nisbeeyo ama iyaga oo dhan loogu tilmaamo wax aysan mudneyn.

malaaqDeeroow

Mar ahan markii ugu horeysay oo maamulka gobolka Hiiraan ay go’aan noocaan oo kale ah ka qaataan dadka ku nool gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ama beelaha Digil iyo Mirifle, Hase ahaatee, waxaa cad in talaabooyinka midab kala sooca iyo cunsuriyada qabiilka oo soo noqnoqata ka dhex abuuri karto dadka Soomaaliyeed aargoosi iyo naceyb qabiil oo Somalia dib ugu celin kara xaalad la mid ah tii dhacdey 1991.

Idale News Online