Daawo: Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhashey Maamul Cusub Oo Loo Sameynayo Gobolka Bay

0
315

Baydhabo(INO)-Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiin  Ka Soojeeda Gobolka Bay ayaa Maanta waxay Shir Jaraa’id ku Qabteen Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, iyagoo Saluugsan Habka Maamul usameynta Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo  oo lafilayo in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo.

Madaxweyne Shariif xasan Sheekh Aaadan, ayaa maalintii Shaley u sheegey odayaasha Mirifle  habka loo qaybsanayo Maamulka Goboladda Bay  iyo Kan Degmada Baydhabo iyagoo kasoo horjeedsadey hadal uu ujeediyey Gollaaha dhaqan ee koonfur Galbeed Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo ahaa  habka loo qaybinayo Maamulka Gobal iyo degmada Baydhabo.

Warar Idale News Online, Hashey ayaa Sheegeya in Madaxweyne Shariif Xasan Uu Doonayo in Beesha hadda Haysata Maamulka Degmada Baydhbo iyo tan Haysta Gobolka Bay, lagu kala bedelo, Labo kale  oo ku xeeb ah, taasoo dhalisey Khilaaf Xoogan oo ilaa iyo Haatan sii daba-dheeranayo.
Odayaasha Dhaqanka Gaar ahaan kuwa Mirifle/Sagaal  oo ugu wayn yahay Ugaas Ibraahim Macalin Cali (Leesaamow) ayaa ka hadley shirka jaraa’id Ee Maanta  isagoo sheegey in loo qaybsado hab siman oo ay cadaalada kujirto, hadii kale Cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto.
Ugaaska  ayaa sheegey in Awooda Gobalka Bay aan lasiinin  2 Qabiil  Oo Mirifle/Sideed Ah taasoo keeni karto cadaalo daro iyo dhib inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ay dhici karto.
Ugaaska Ayaa Sidoo kale  ka codsadey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya inuu latashi lasameeyo dhamaan Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Deegaanada, ka hor intuusan ku dhawaaqin Gudoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo.
Goobtaasi waxaa kale  ka  hadley  Ex. Xildhibaan Yuusuf Axamed Kheyr (Guuroow) isagoo sheegey in loo baahan yahay in Gobalka  Bay Maamulka loo dhisayo uu ahaado Mid si siman loo qaybsado , laakiin aan 2 Qabiil lasiinin, waayo waxaa ka dhalan karo xiisad aan fiicney oo keeni karo burbur ku dhaca Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Maamulka Gobalka Bay  iyo kan degmada Baydhabo ayaa loo sheegey inuu waqtigooda uu dhamaadey , Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif xasan Sheekh Adan ayaa ku mashquulsan sidii usoo Magacaabi lahaa Maamul Cusub oo bedala kuwa waqtigooda dhamaadey.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here