Daawo: Oday Shabaab ah oo lasoo bandhigay

0
201

Muqdisho(INO)Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay afar ruux oo ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo lagu qabtay weerar ka dhacay wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

<code

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble,oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkaasi lasoo qabtay xili howlgal uu ka socday wadada Warshadaha ee Muqdisho.

Waxaa dadka lasoo bandhigay kamid ahaa oday waayeel kaasi oo la sheegay inuu kamid ahaa dad weeraray ciidamada xili howlgal ay ku jireen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Qaasim Axmed Rooble, ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi magacyadood ay kamid yihiin:-

Cumar Maxamed Diiriye

Cabdicasiis MAxamed Saalax

Dhamaan dadka lasoo qabtay ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidamada dowlada ay sheegeen iney wadaan baaritaano ku aadan dad kale oo lagu dabo jiro.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here