Kismaayo(INO)-Magaalada Kismaayo ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay nin soo gashtay dharka Haweenka, oo ciidamada ay ku qabteen Magaalada gudaheeda.
Saraakiisha Nabadsugida Magaalada Kismaayo, ayaa u sheegay Saxaafadda inay wadaan baaritaan ku aadan sababta ninkaan uu usoo gashtay dharka haweenka kadibna uu Magaalada u maraayay.
Maalin ka hor ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin gashnaa dharka haweenka oo indha sharer iyo Ookiyaale soo gashtay.
Idale News Online, Kismaayo.