Baydhabo(INO)– Waxaa Maanta Qurbo Joog Ka Soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degan dalka Mareykanka ay gaarsiyeen Barakacyaal ku dhaqan Kaamka BADBAADO Ee Magaalada Baydhabo Deeq lacageed oo dhan $600.
Barakacyaashan ayaa waxay ka soo barakaceen Degaanada Gobolada Bay iyo Bakool, Sida Degmada Diinsoor, Hagarka, Dharqo iyo Weliba Gobolka Bakool kuwaasoo nool Xumo ku haysatey Gudaha Kaamka BADBAADO.
Deeqdan waxa soo Direy Muxsiinta kala ah; Maxamed Ibrahim Cali Oo Degan Magaalada Columbis Ee Gobolka ohio isagoona soo direy Lacag dhan ( $500) iyo weliba Walaal kale Oo la yirahaado C/raxiin Maxamed Daahir oo isagana degan Cietal washington wuxuuna Barakacyaasha ku dhibaateysan Baydhabo ugu soo tabarucey lacag dhan ($100).
Sheekh Maxamed Nuur Macalin, oo ah Wakiilka Deeqdan Qiibinayey ayaa waxa uu ku dheeradey muhiimada ay leedahay is caawinta isla markaana waxa uu Bulshada Muslimiinta ah ugu baaqay inay u soo gurmadaan Dadka Barakacyaasha Ah Ee Saameysay Abaarta Ku dhufatey Degaanadan, kuwaasoo soo wajahdey Biyo la’aan iyo Cudurka Shuban Biyoodka.
Ugu dambeyntii Barakcayaasah ayaa waxay Mahadceliyeen Muxsiinta Soo Gaarsiyey Deeqda Lacageed.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Halkan Ka Daawo Dadkii ka Faa’ideysateu deeqda oo u mahadcelinaya Muxsiniinta
Idale News Online,
Wararka Arimaha Bini’aadanimada
Baydhabo