Daawo: Muslimiinta Ingiriiska oo Ka Digay Filim Lagu Matalayo Qaabkii Loo Halaagay Qowmkii Nabi Nuux (CS)

0
256

Maalinimadii Jimcaha 4-tii April waxaa Shineemo ku taalla magaalada Exeter ee dalka Ingiriiska ka ballansanaa Filim lagu magacaabo “Noah” oo dhowaan ay hollywood-ka soo saareen lagu matalayay qowmkii Allah SW uu ku halligay biyaha ee Nabi Nuux (caleyhi Salaam), filimkan waxaa hore looga mamnuucay wadamo badan oo Muslimiin waayo waa dambi weyn in Anbiyada Allah sw laga sameeyo muuqaal ama la metelo, waxaana weliba sii dheer in aysan u soo bandhigin qisadii Nabi Nuux CS oo ay ka been sheegeen halaagga qowmkaas sida uu ku yimid.

noah2

Haddaba dhacdada yaabka leh ee lagu arkay shaneemadan ayaa waxay ahayd in maalinkii ugu horeysay oo Filimkaas la baahin lahaa la arkay shaneemadii oo biyo dhex ceegaagan oo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen.

Afhayeenka shaneemada Vue  oo la hadlay Jariidada  the Independent wuxuu yiri “ waxaan xaqiijinayaa fatahaadii ka dhacday shaneemada, 4-tii April sababo la xiriira cillad ku timid mashiinadii barafka samaynayay”.

Fatahaadan waxay sababtay in shaneemadii ay baajiso maalinkaas filimkii ay baahin lahayd si ay biyaha u nadiifiyaan.

Gabar Muslimad ah ayaa  tacbiir fiican saartay waxa Gaalada maanta iyo kuwii Qowmkii Nabi Nuux ay isaga midka yihiin, welina aysan ku cibro qaadanaynin bal ay ka dhigayaan arrin madadaalo ah oo filim ay ka samyanayaan.

Nabi Nuux cs, qowmkiisa mar alla markuu u digo wuxuu kala kulmi jiray jees jees, dagaal iyo dhagax tuuryayn. maantana qof walba oo  xaqa sheegaa intaas ayay gaalada ku hayaan haddii aysan  joojina waxay sugaan waa ciqaabta Allah sida qowmamkii hore. waxayna uga digaysaa Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan inaan la daawan Filimkan.

Idale News Online,Uk.

Tixraaca Warka: The Independent.