Daawo: Musharaxiintii & Siyaasiyiintii ugu badnaa oo Muqdisho kaga dhawaaqay

0
171

Muqdisho(INO)- Isbaheysi siyaasadeed oo ku aadan doorashada Madaxweynaha ayaa ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo kulankii u horeeyay maanta Muqdisho ku dhex maray inta badan Musharaxiinta iyo xubnaha xisbiyada siyaasada.

Kulankan oo ahaa mid ka duwan kulamadooda hore, ayaa lagu unkay madal loogu magac daray Isbaheysiga is bedel sameynta Soomaaliyeed, waxaana lagu arkay siyaasiyiin dhowr ah oo muddooyinkan aanay ka soo muuqan fagaarayaasha, sida Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Baadiyow.

Musharaxiinta kulankan ka dhex muuqday ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur, Maxamuud Axmed Tarsan, Maxamed Cali Ameeriko, Cali Xaaji Warsame, Canab Maxamed oo aheyd haweeneyda kaliya ee ka muuqatay kulanka.

Waxaa kaloo kulanka ka dhex muuqday Salaad Cali Jeelle, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, C/laahi Goodax Barre iyo siyaasiyiin kale oo lagu wado inay dhowaan ku dhawaaqeen Musharaxnimadooda.