Daawo: Musharaxiinta U Tartameysa Jagada Gudoomiyha iyo Ku Xigeenada Ururka NUSOJ Oo Khudbado Jeediyey

0
448

Muqdisho(INO)- Musharaxiinta u taagan xilalka Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadahooda ka jeediyay shirweynaha Qaran ee Suxufiyiinta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta berri ay dhici doonta doorashada.

Shirkii maanta ayaa qorshuhu ahaa in lagu doorto hogaan, balse dib u dhac uu ku yimid arrimo farsamo awgeed.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeediyay ayaa mid walba waxaa uu ka sheekeynayay waayo aragnimada uu u leeyahay saxaafada, waxbarashadiisa, iyo waxa uu qaban doono hadii la doorto.

Afhayeenka Shirka doorashada Hogaanka ururka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib u dhici taanka shirkaas uu yimid ka dib markii arimo farsamo oo la xalinayo uu soo wajahay.

Waxa uu sheegay in maalinta berri ah ay si rasmi ah u dhici doonto doorashada Gudoomiyaha iyo xubnaha sare ee Ururka.

Musharaxiinta xilka Xoghayaha Guud

1- Maxamed Ibraahim Macalimu
2- Cali Cabdullahi Cabdi
Liiska Musharixiinta Gudoomiyaasha

1- Aadan Maxamed Salaad
2- Suleymaan Ismaaciil Bashiir
3- Mahad Xasan Diini
4- Maahir Jaamac Aadan

Musharaxiinta Gudoomiye ku xigeenada 1aad

1- Muxyadiin Xasan Maxamed Gud. Kux. 1aad
2- C/risaaq Maxamed C/laahi Gud. Kux. 1aad
3- Yaasmiin Mayow Maxamed Gud. Kux. 1aad

Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenada 2aad

1- C/fitaax Xasan Faarax Gud. Kux. 2aad
2- Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto)

010203040506070809SONY DSC11

Wariye Abshir Maxamed Nuur Warbaahinta Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here