Muqdisho (INO) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Xaamud ayaa hadal aad loola yaabo isla markaasna meel ka dhac ku ah sharafta iyo waajibaadka qaran ee loo aasaasey Ciidanka booliiska ka jeediyey munaasabad lagu weyneynaayey xuska 73aad ee aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, oo lagu qabtey Xarunta Dugsiga Sare ee Booliiska Xamar.
Munaasabadaan oo uu ka soo qeyb galey madaxweynaha xilkiisa dhamaadey, ahna musharax u taagan doorashada madaxtinimada ee dhowaan dalka ka dhici doonta, ayaa Jeneraal Xaamud waxa uu si cad uga qeyb noqdey kooxda wada ololaha siyaasada ee dib loogu soo dooranaayo Madaxweyne Xasan, sidoo kale dambi ka galey sharciga & waajibaadka Dastuuriga ee Booliiska Soomaaliyeed iyo ka madaxbanaanida loolanka siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.
Booliiska Soomaaliyeed ayaa waajibaadkiisa waxaa ka mid ah:
1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha dalka Soomaaliya.
2- WAA HAY’AD KA MADAXBANAAN MABAADIIDA SIYAASADA GUUD EE DHINACYADA ISKU HAAYA DALKA
3- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara
4- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.
4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed Xasan Cali Xaamud oo u ololeynaaya mid ka mid ah musharaxiinta madaxtinimada dalka ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed taageerayaan musharaxa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Barlamaanka 2diisa Aqal waxaa ku jirta 3 sarkaal oo booliis ah, Mudane Madaxweyne waxaa ka mid ah Aqalka Sare Sareeye Gaas Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waa ku tashaneysaa codkiisa Haddii Ilaahey Idmo, waa codkii booliiska waaye, waxaad kaloo ku tashaneysaa Sareeye Gaas, Shariif Sheekunaa Maye oo gadaashaada fadhiya waa aqalka Hoose, codkaasna waad ku tashaneysaa, waxaa sidoo kale sharaf kuu ah mudane madaxweyne, raggii aad adiga darajada u xirtay ee 19ka gaaraayey oo jaamici ahaa oo lagu magacaabo labo Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdi, asigana waxuu ku soo baxey aqalka Hoose.asigana waad ku tashaneysaa Mudane Madaxweyne!.
Madaxweynaha Xasan oo isugu xil ka saarnaa ilaalinta dastuurka dalka ayaa si aad ah ula dhacsanaa hadalka taliyaha isla markaasna madaxa u ruxaayey, uguna mahadceliyey ololaha taliyaha ugu jiro in dib loogu soo dooran lahaa.
Musharaxiinta Madaxweyne, oo uu ugu horeeyo, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Jibriil Cabdulle, C/raxmaan C/Shakur, Farmaajo, C/raxmaan Faroole ayaa xadgudub ku tilmaamey hadalka ka soo yeeray Maxamed Xasan Cali Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxay diyaarinaayaan dacwad ka dhan ah taliyaha Ciidanka Booliiska. Iyadoo qaar ka mid masuuliyiinta beesha caalamkaba horeyba loo gaarsiiyey nuqul ka mid ah ololaha siyaasadeed ee taliyaha ciidanka booliiska ka dhex wado gudaha Booliiska, taasoo u eg mid si aad u wiiqi karto wada shaqeyn maamulada dalka ay la yeeshaan Taliyaha Ciidan oo u janjeera hal dhinac.
Idale News Online, Mogadishu,