Baydhabo (Wadaninews24 Online) – Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan.
Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mudane Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur
Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.
Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mudane Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya waa siday ay shacabkiisa ay jaceylyihiin.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA