Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden Isla markaana u taagan qabashada Jagagda Madaxweyninimada Somalia Sanadkan 2016 ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.
Soo dhaweynta Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden waxaa ka qayb-qaatey dad isugu tegey Garoonka diyaaradaha, waxaana kamid ahaa siyaasiyiin hore, Xildhibaano, Odayaal dhaqmeedyo iyo saraakiil ciidan.
Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden oo hadal kooban ka Ka Sheegey Qalka VIP-da Ee Garoonka Diyaarahada Ee Magaalada Muqdisho .
“Waxaan u baahanahay Dhaqan Dowladnimo oo Cusub oo ka duwan kii hore,waxaan u baahanahay dhaqan dowladnimo oo ku dhisan Midnimo,waxaan u baahanahay dhaqan dowlanimo oo ku dhisan isla Xisaabtan,waxaan u baahanahay dhaqan Dowladnimo oo ku saleysan Wadajir iyo Iskaashi”ayuu yiri Musharax Shariif Xasan.
Ugu dambeyntii, Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Horey u balan qaaday Haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimo ee dalka in uu waxbadan ka qaban doono arimaha Cakiran ee ka jira dalka,lana imaan doono Siyaasad ku dhisan hufnaan iyo Dowlad wanaag.