Baydhabo(INO)- Maanta oo ay taariikda aheyd 6/6/2016 ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka dhacey Xaflad si wanaagsan loo soo abaabuley oo ay kasoo qayb galeen Masuliyiin kamid ah Halgamayaasha RRA iyo saraakiisha RRA.
Maanta oo kale loo asteeyey Sanad guuradii 17 aad ee RRA ayaa waxaa kasoo qayb galey Masuuliyiin kasocdey iyo Dowlada gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu Horeyntii waxaa ka hadley Mid kamid ah Halgamayaasha RRA ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaadada KG Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar isagoo ka warbixiyey Taariikdii RRA iyo Halgamkii lasoo Marey , waxuuna soo bandhigey Film ka sheekeynayo Halagankii lasoo marey taaso xasuus ku reebtey Bulshada kasoo qayb gashey .
Kulunkaasi Waxaa kasoo Qayb galey Golaha Aqoonyahanada Koonfurta soomaaliya Dr, Maxamed Cali Kalay iyo Dr.Fowz Cabdi Nuur kaasoo ka waramey in halgan uusan dhamaanin , xuskaan waxaan u wadnaa ayuu yiri Dr. Fowz weli Deegaaanada DM ay ku jirto gacan aan digil iyo Mirifle aheyn , loona baahan yahay in horey loo wado.
waxaa kaloo xafladaasi ka hadley Bayaadir sheekh Banaaney iyo Cali Dareen oo ka sheekeeyey Xasuuqii ay Salbalaar ay ugeysteen deegaanada Digil iyo Mirifle iyo halgamayaashii ku dhintey inta uu socdey halagankii RRA
Mid kamid ah halgamayaasha RRA ee layiraahdo Yuusuf Maxamed Kheer (Guuroow) ayaa Maanta ku dheerey Taariikda RRA iyo Halagamayaashii u soo dhintey Qadiyada Digil iyo Mirifle waxuuna kasheekeeyey Xasuuqii iyo dhibaatada loo geystey Bulsha weynta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Jabhadii RRA Ee Burbutey ayaa waxay si adag ula dagaalantey Isbahaysigii USC iyo weliba Jabahadii oromadda ee ONLF.
Ugu dambeyntii, waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey Malaaqyada Digil iyo Mirifle iyo Xildhibaan Maxaned Xuseen Isaaq Afaraale oo kamid ah Xildhibaanada DF , waxuu ka hadley waxqabadkii RRA iyo Dhibaatooyinka lasoo marey iyo xaalada hada uu maraayo wadanka , waxuu kaloo u mahad celiyey Gudigii soo qaban qaabiyey Xafladaas iyo kasoo qaybgalayaasha xuska sanad guurada RRA ee 17 aad.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Baydhabo