Balochistan(INO)- Qarax u muuqday inuu ahaa mid meel fog laga hagaayay, ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii lala beegsaday masaajid ay leeyihiin Suufiyada Pakistan, iyadoona ay ku dhinteen 50 qof, halka 100 kalana ay ku dhaawacantay.
Goobta uu qaraxu ka dhacay oo lagu magacaabo Shah Noorani, ayaa ku taala Magaalada Hub ee Gobolka Balochistan, waana dhul buuraley ah.
Ugu yaraan 500 oo qof, ayaa waxaa la soo sheegaya in halkaasi kaga qaybgelayeen xaflad ka socotay. Dadkan ayaa isaga kala yimid qaybaha kala duwan ee dalka Pakistan iyo weliba deegaano ka tirsan dalka ay deriska yihiin ee Iran.
Gaadiidka gurmadka deg degga oo saacado ka dib gaaray halku uu qaraxu ka dhacay, ayaa isu deyaaya inay dhibane-yaasha gaarsiiyan goobaha caafimaadka, oo ay ku jirto Magaalada Karachi, oo qiyaastii 100km jirta u jirta halka uu weerarku ka dhacay.
Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka uu dhiigga badani ku daatay.
Ra’iisal Wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa si kulil u cambaareeyay weerarka ay masuuliyadiisu sheegatay Daacish. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso.