Baydhabo(INO)- Allaha U Naxariistee Marxuum AUN Xaaji Cumar Maxamed Cali (Cumar Yantaar) Oo Shallay Ku Geeriyooday Magaalada Baydhabo Ayaa Barqonimadii Maanta Oo Jimco Ah Taariikhduna Ku Beegan Tahay 25/3/2016 lagu Aasay Qubuuraha Deegaanka Makuudo Ee Duleedka Magaalada Baydhabo.
Aaska Marxuumka Ayaa Waxaa Ka Qaybgalay Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan Sida Culmaa,udiinka Odayaasha Dhaqanka Iyo Sidoo Kale Masuuliyiin Oo Uu Kamid Yahay Waziir Xasan Xuseen Maxamed Eelay .
Marxuum AUN Cumar Yantaar Waxaa Uu Ka Mid Ahaa Aas-aasayaashii Ururkii RRA Ee Deegaanka Dhanqooq , Waxuu Ka Mid Ahaa Booliskii Ugu Horeeyey Ee Soomaaliya Loo Aasaasey Markii Dambe, Waxuuna U Shaqayn Jirey Dowlada Dhexe Dhinaca Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Isagoo Ahaa Iskuduwaha Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha ee gobalka Bay.
Halkan Ka Daawo:
Wariye Bishaar Xasan, Warbaahinta,
Idale News Online, Baydhabo