Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa laga xusay maalinta haweenka adduunka oo maanta ku beegan, iyadoo munaasabad loogu dabaal degayey maalintaasi lagu qabtay xarunta Madaxtooyada KGS
Waxaa ka soo qeyb galay xafladaasi, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aaden, xildhibaano, Odayaal dhaqmeedyo, siyaasiyiin, ururada haweenka gobolka Bay, kan degmada Baydhabo, AMISOM, madax ka socotay Xafiiska Siyaasada QM Ee Somalia Ee UNSOM, dhalinyaro, abwaano, waalidiin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Gabayo iyo Riywaadayo ka turjumayey qiimaha haweenka ay ku leeyihiin bulshada ayaa laga soo jeediyey xafladda, iyadoo dhammaan dadkii ka soo qeyb galay ay ku lebisnaayen dareesyo ay ku qornaayeen erayo muujinaya haweenka qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiin.
Munaasabadda ayaa laba qeybood isugu jirtay oo kala ah xuska maalinta haweenka iyo Alle bari iyo duca loo dirayey dadka ay abaarta saameysay ee ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo guud ahaan Soomaaliya.
Xaawo Sankor Cali oo ah gudoomiyaha haweenka degmada Baydhabo oo xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka ay yihiin udub dhexaadka bulshada iyadoo, Alle uga berisay dadka ay abaarta saameysay in uu barwaaqo ugu bedelo.
Xafladda ayaa ku soo dhammaatay jawi degan, lagu Qabaneyey Magalada Baydhabo .