Dhuusamareeb (INO) – Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay Halka uu ka dhacayo Shirka Maamulka loo dhisayo Gobollada dhexe, wuxuu sidoo kale Sheegay Halka Caasimad u Noqoneysa Maamulka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Degmada Cadaado lagu Qabanayo Shirka Maamulka ay dhisanayaan dadka Gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna ku dhawaaqay Hadalkaas kedib Kulamo uu la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Labada Gobol oo ku shirsan Magaalada Dhuusamareeb oo uu Maanta Gaaray.
Wuxuu Madaxweynuhu Daboolka ka qaaday in Caasimadda Maamulka Gobolladaas ay Dhisanayaan ay tahay Magaalada Dhuusamareeb, taasoo hadda ay Odayaashu sheegeen in ay ku Qanceen, kedib Hadalka uu Madaxweynuhu u Jeediyey dadka Dhuusamareeb jooga.
Madaxweyne Xasan ayaa ka Libin gaaray Safarkiisii Seddaxaad ee uu ku tegay Dhuusamareeb, mid ka mid ah Safarradiisii uu Halkaas ku tegay ayaa ah mid Fashil kusoo Dhamaaday oo Madaxweynuhu waa uu Awoodi waayey in uu Odayaasha ku qanciyo in ay Cadaado qabato Shirka dhismaha Maamulka Gobollada dhexe.
Halkan waxaan Idinkugu soo Gudbineynaa qaar ka mid ah Sawirradii laga qaaday Safarka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.
Idale News Online – Dhusamareeb