Nairobi(INO)-Iyadoo wefdiga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi Ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa Shir ku dhexmarey Aqalka Madaxtooyada Kenya, Madaxweyanaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariff-Hassan Sheikh-Adan iyo Madaxweyne ku Xigeenka Dowlada Kenya Mr.William Samoei Ruto iyo weliba Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Mrs, Aamino Maxamed.
Sida Uu U Sheegey Idale News Online Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta KG Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi, Kulunka Waxaa looga hadley sidii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo weliba Dowlada Kenya ay isku kaashan lahaayeen Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Ururka Al-shabab oo Gacan saar la leh Urur weynaha Al-Qaacida isla markaana Dagaal Adag kula jiro Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM.
Dowlada Kenya Ayaa Balanqaadey dhamaan Codsiyadi uu u soo bandhigey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariff-Hassan Sheikh-Adan in wax lagala qabto isla markaana Waxay Sheegtey dowlada Kenya in maamulkan Curdunka ah Ay Garab taagan tahay mar weliba iyo sidoo kale ay taagyeersan tahay Geeda Socodka Nabada Soomaaliya.
Sidoo kale Wefigi Dowlada Konnfur Galbeed Soomaaliya Waxay la kulmeen Saarkiisha Safaaradaha Dalalka Mareykanka, JAPAN iyo Taliyaanig isla markana waxay sheegeen in dhawaan ay booqan doonaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Bay, ayna soo u qiimeeyaan Xaalada Guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Wefdiga Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa la filayaa in Maalinta Beri uu soo gaaro Magaalada Baydhabo aydoona safaro ku bixiyeyeen Dalalka kenay iyo itoobiya.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Nairobi, Kenya.