Daawo: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socodey Hay’ada QM Ee FAO

1
540

Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Gaartey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay , wefdi sare oo ka socdey Hay’ada Beeraha Ee Qaramadda Midoobey Xafiiskeed Soomaaliya Ee FAO, kuwaasoo Kulumo la qaatey  Maanta Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

NADAARADDA

Kulunku  oo Al-baadu ay u xirnaayeen Wefdi Hay’ada FAO Iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaadan ayaa markii uu Soo idlaayey waxaa War-Fideyeenka La hadley Afhayeenka Dowladda KGS C/qaadir Cashar Nadaara

“Sida Aad la socotaan, Dowladda KGS ayaa wada Dhawaanahay Dadaalo lagu horumarinaayo Adeegyadda Bulshadda, Maanta Xarunta Madaxtooyadda KGS waxaa Nagu Soo booqadey Wefdi Ka socodey Hay’ada QM ee FAO,  Waxaana Qiib ka ahaa Wefdigu Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale Ujeedu waxay ahayd, tababar la siinaayo Qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaraddaha kala gedisan Ee Dowladda KGS  iyo sidoo kale arinta ugu muhiimsan oo diirada la saaraayo ayaa waxay tahay in dadka la fahamsiyo Muhiimadda Degaanka, Sidii looga hortagi lahaa Xaalufinta Dhirta, dhiira-galin la siinaayo beeraleyda, Waxay bixin doonaan Siminaaro ka dibna waxay Mashaariic horumarineedka ka sameyn doonaan degaanada KGS ” ayuu yiri Afhayeenka Dowladda KGS C/qaadir Cashar Nadaara.

Ugu dambeyntii, Hay’ada Beeraha Ee QM  Ee  FAO ayaa Dalka soomaaliya ka wada dhiira-galinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Xoolo dhaqada isla markaana Goboladda KG Soomaaliya ayaa waxay ka mid yihiin Dhulka ugu beeraha Badan iyo Xoolaha Nool ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here