Daawo: Madaxweyne Shariif xaan Oo Kormeerey Dhismaha Cusub Ee Loogu Talagaley Shirka Madashada Wadatashiga Qaran

0
1208

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan  Sheekh Aaden ayaa maanta booqdey dhismaha cusub loogu talagalay in ay degaan wafuuda ka imaan doonto Maamul Gobaleedya iyo Dowlada federaalka.

Shirka Madaxda Madasha Qaran ee 20ka b isha June laga qaban doono magaalada Baydhaba oo xarun ku meelgaar u ah maamuka goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ayaa loo asteeyey in go’aan kama dambeys ah looga gaaro halka lacagta Musharaxiinta Doonaya Baarlamanka Soomaaliya aadi doonto taasoo dhan $5,000, hase ahaatee in aysan madaxda qaran ay wada ogol yihiin cadadka lacagta xildhibaanka cusub shuruud looga dhigay.

Magaalada Baydhabo oo ah casimada ku meelgaarka ee Dowlad Gobaleedka koonfur Galbeed Soomaalia ayaa dhawan martigelin doonto shirka madasha qaran ee 2016.

Ugu dambeyntii, Dowlada Gobaleedka KGS iyo shacabka koonfur Galbeed ayaa diyaar garow ugu jira sida lagu soo dhaweyn lahaa Madaxda qaranka iyo kuwan Maamulada.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Baydhabo