Cadaado(INO)- Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa degdeg ugu laabanaya magaalada Cadaado iyadoo xaalad culus ay ka taagan tahay magaaladaasi.
C/kariin Guuleed oo Muqdisho ku sugnaa maalmihii u danbeeyay kadib markii loogu yeeray wadatashi ayaa waxaa la socda inta badan wasiirada maamulkisia ee Muqdisho ku sugnaa iyo waxgarad iyo siyaasiyiin kale oo ujeedkoodu yahay inay xaaladda Cadaado qaboojiyaan.
Dhinaca kale xildhibaanada xilka ka qaaday C/kariin Guuleed ayaa Cadaado ka wada olole ay ku doonayaan inay qabanqaabiyaan doorasho degdeg ah oo ku dooranayaan madaxweyne cusub oo maamulkaasi yeesho, arrintaas oo uu ka war helay C/kariin
Guddi qabanqaabo oo ay sameeyeen xidhibaanada xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay ku eedeeyay madaxweyne Guuleed inuu ka dambeeyo qalalaasaha ka jira Cadaado, isla markaana Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey uu noqday Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada sida uu xoghayhaa guddiga qabanqaabinaya Doorashada.
Xaalada ayaa ka sii dareysa iyadoo dadaalka ugu dambeeya ee C/kariin Guuleed haddii uu guuleysan waayo ay xaaladda faraha ka bixi doonto.