Daawo “Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kormeer ku tagey Furinta Hore Ee Goobaha Dagaalka Ee G/Sh/ Hoose!

0
249

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ku labistey dareeska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya asagoona kormeer ku tagey furinta hore ee goobaha dagaalka ee gobolka Shebeelada Hoose halkaas oo uu kula kulmay ciidamada difaaca kaga jira goobahaas ee kula dagaalamaayo kooxda Ashabaab. 

CULUSOW

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ku labistey dareeska ciidamada Milatariga Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu booqday ciidamada ku jira forinta hore ee dagaalka iyo dhufeysyada ay ku jiraan ciidamadaas asagoona uu madaxwenuhu uu hadal dhiiro galin ah uu u jeediyey ciidamadaas Soomaaliyeed, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dar daarmay ciidamadaas inay sii dar dar galiyaan difaaca ay kaga jiraan goobahaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Madaxweynaha uu kormeeray ciidamada ku sugan Jiida hore ee dagaalka ee gobolka SHabeelada Hoose ayaa uu madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale uu min hal darajo uu dalacsiiyey Ciidamadaas uu ku booqday goobahaas asagoo sidoo kalena dalcsiiyey min laba darajo ciidamadii ku geeriyooda dagaalada ka dhacay deegaanadaas, Booqashada Madaxweynaha ee goobahaas ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii dhawaantaan ay qeybo ka mid ah ciidamada dowlada ay faarujiyeen goobihii ay difaaca kaga jireen gobolkaas Shabeelada Hoose iyadoona ay arintaas ay keentay inay dib ula wareegaan kooxda Alshhabaab, Deegaanada uu Booqday Madaxweynaha oo ay dhawaantaan isaga baxeen ciidamda AMIOM ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa weeraro ku haayey kooxda Alshabaab oo ay marar badana u suur gahshay inay la wareegaan gacan ku heyntooda. 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here