Daawo: Madaxweynaha Somalia oo sheegay in La Xalin Doonaa Dhibaatooyinka ay Tabanayaan Dadka Gobolada

0
224

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladiisu wado qorshooyin gobolada Waqooyiga Soomaaliya looga qancinayo dhibaatooyinka ay tabanayaan.
Xasan Shiikh Maxamuud oo hadal ka jeediyay Caleema-sarkii Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in dowladiisa ay xiligaan wado qorshe lagu xalinaayo tabashooyinka siyaasiyiinta iyo shacabka kasoo jeeda deegaanada Maamulka Somali-land.

“Gobolada Woqooyiga Soomaliya ku yaalo waxaa ku nool walaalaheena, waa Gobolo Soomaliyeed oo dalka soomaliya kamid ah, 18-gobol ee Jamhuuriyada soomaliya kamid ah ayay kamid yihiin, waan ognahay In jiraan tabashooyin yo daruuro ay tabanayaan, dowlada soomaliya aan madaxda ka ah waxay diyaar u tahay in ay wada-hadal la gasho dadka Gobolada woqooyiga Soomaliya, waan la soconaa dowladii dhexe ee soomaliya ka arimin jirtay in ay dhibaato gaarsiisay shacabka Gobolka Woqooyi ee Soomaliya ku nool”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Xasan Shiikh Maxamuud.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsan Baarlamaanka Waqtigiisu Dhamaaday oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in ay Wada Hadalo ay u Bilowdeen Dowldda Dhexe iyo Siyaasiyiinta ka Soojeeda Deegaanada Soomaaliland kuwaasi oo diirada lagu saarayo Xalinta Waxyaabaha ay Doorashooyinka soo Socda ay ka tabanayaan Bulshada Gobalada Waqooyi.

Halkan Ka Daawo VIDEO