Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinkii Guddoonka Baarlamaanka sare ee Dalka, oo 11-kii ilaa 12-kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka muuqatay Mas’uuliyad weyn, waxaana uu tilmaamay in loo dhiibay xil cusub oo la doonayo in loogu adeego diinta, dadka iyo dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu rajeynayo Baarlamaanka Federaalka ee la doortay in ay ahaan doonaan kuwo Afarta sano ee soo soocta Hoggaamintooda ay toosanaan doonto.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shegay dadka Soomaaliyeed dhaqankooda in uu yahay dhaqan Dimuquraadi, Dowladda Federaalkana ay ku guuleystay in ay fursad siiso shacabka.
HALKAN KA DHAGEYSO
Idale News Online,Muqdisho